Taliyeyaasha Militariga Midowga Afrika oo Maalintii 2-aad Muqdisho uga socdo shirka Istaraatijiyadda ka bixitaanka Ciidamada.

Date:

MUQDISHO (SNTV)-Taliyeyaasha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM oo muqdisho uga socdo shir afar maalmood ah ayaa kaga doodaya sidii loo dejinlahaa qorsho dhammeeystiran oo lagu dejinayo istaraatijiyadda ka bixitaanka Ciidamada Amisom ee dalka Soomaaliya.
Simon Mulongo oo ah ku xigeenka Madaxa AMISOM ayaa sheegay in qorshaha lagu cadeeynayo howlaha howlgalada la hirgelinayo oo qaybta ka ah Fekerka Cusub ee Howlgalada ee loo soo gaabiyo (CONOPS) islamarkaana lagu dejinayo xilliyada iyo taageerada lojistikada ee loo baahan yahay si loo hirgeliyo howlgalada.
“Waxaan u baahan nahay inaan dejino kheyraadka si aan u hirgelino howlgalka fekerka cusub ee CONOPS si looga taageero AMISOM si ay u fuliso waajibaadkeeda suggidda amniga ee Soomaaliya,” Mulongo ayaa ku sheegay bayaan uu kasoo saaray furitaanka rasmiga ah ee shirka.
Howlgalkan ugubka ah, ayaa qayb ka ah istaraatijiyadda ka bixitaanka AMISOM, waxaana lagu hagi doonaa dhammaan howlgalada militari ee Midowga Afrika ee xilliga 2018-2021.
Kulanka waxa uu si wadajir ah meel isagu keenay taliyeyaasha hogaamiya cutubyada militariga ee wadamada ay ka kooban yihiin ciidamada AMISOM, Wakiilo ka socda Ciidamada Qaranka Soomaaliya, SNA, Qaramada Midoobay iyo ururada saaxiibada la ah.
Mulongo ayaa ku boorriyay taliyeyaasha in ay la yimaadaan qorsho dhab ah oo kusaabsan howlgalada kaasi oo lagu xaqiijin doono qaybna ka noqon doona howlgalka cusub the CONOPS, iyadoo loo baahan yahay in la hirgeliyo dhammaan waxyaabaha looga hadlo shirkan.
Kulankan ayaa yimid xilli ay AMISOM filayso in 1,000 (kun askari) oo kamid ah ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya 28-ka bishan Febraayo ee sanadkan 2019-ka taasi oo la waafajinayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bishii Julaay sanadkii 2018-kii.
Sida uu qabo qaraarka, AMISOM waxa ay u baahnaan doontaa in ay dhinto heerka ciidamada oo ay tiradoodu noqonayso illaa 20,626 marka la gaaro 28-ka bishan aynu kujirno ee Febraayo, 2019-ka iyadoo dib u dhac lahayn.
howlgalka cusub ayaa waxaa suurtagal ah in qaar kamid ah saldhigyada horusocodka ee howlgalada ee loo soo gaabiyo (FOBs) dib loo qaabeeyo halka dhowr kamid ah saldhigyada iyaguna la laabi doono maadaama ay tirada ciidamada AMISOM ay is dhimi doonto, sidaasi waxaa sheegtay AMISOM.
Si kastaba aha ahaatee, AMISOM waxa ay hubisay in isbedellada la ballanqaaday iyadoo la tixgelinayo badbaadada iyo amniga dadweynaha kunool gobollada ay ku yaalaan saldhigyada Amisom.
Tigabu Yilma, oo ah taliyaha ciidamada AMISOM, ayaa sheegay in ay diiradda saari doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabab si loo awoodda kooxda, islamarkaana loo diido in ay helaan xorriyad ay ku sameeyaan wax dhaq dhaqaaq ah. iyadoo ciidamada saaxiibada ah ay si nabadgelyo leh usugi karaan amniga iyadoo ay muuqato saameynta hirgelinta howlgalka cusub ee AMISOM ee loogu magacdaray CONOPS.
Howlgalkan ayaa CONOPS ayaa ah wejigii ugu dambeeyay ee howlgalka Midowga Afrika ee xilliga kala guurka ee ay uga bixi lahaayeen dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...