Ciidanka Xoogga Dalka oo Burburiyay Saldhigyo ay lahaayeen Argagaxisada Alshabaab

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay Argagaxisada Al-shabaab ku lahaayeen meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon, iyagoona Burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen weeraro ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la Hadlay Wakaalada SONNA ayaa xaqiijiyay Howlgalkan Ciidanka Xoogga ay ku qaadeen Al shabaab.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay diyaariyeen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa looga dilay Argagaxisada tiro Maleeshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka, sida ay sheegeen Saraakiisha horkaceysay Howlgalka.

Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ayaa si weyn usoo dhaweeyay, iyagoona siiyay Raashin iyo Dawo.

Dhaq dhaqaaqyada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ka wadaan deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday Argagaxisada Al-shabaab.

DAAWO SAWIRADDA MIINOOYINKA LAGU GUULEYSTAY IN LAGA SOO SAARO GOOBAHA AY GALIYEEN ARGAGAXISADA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee ITF

Magaalada Leipzig ee dalka Jarmalka ayaa lagu soo gabagabeeyay...

Hoggamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeeray goobaha ay ka socoto cod-bixinta doorashooyinka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil...

Guddoomiye Aaden Madoobe oo codkiisa ka dhiibtay Baydhabo

Musharax Madaxweyne, ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe,...