Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo la kulmay madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana, Botswana

Date:

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Adis-aba madaxweynayaasha Soomaaliya,Ghana iyo madaxweynaha dalka Botswana.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxweynaha Ghana Nana Akufo- Addo, iyo Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi.

Hogaamiyaasha ayaa ka wada xaajooday arrimo badan oo khuseeya labada dhinac iyo gobolka intaba.

Sidoo kale,Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ayaa la kulmay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Xassan Albashiir.

Hogaamiyeyaasha Afrika ayaa magaalada Adis-ababa uga qeyb  galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo looga hadlay arrimaha Qaxootiga, Barakacayaasha Gudaha iyo kuwa Dibedda ka soo laabanaya ee Afrika.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...