Izmir (SNTV)- Wasiirka Beeraha iyoย Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkigaย gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshayย Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.
Kulanka oo yimid kadib marti qaadย uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkigaย u fidiyeyย Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saarayย iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen,ย Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyoย mashruuca biyo xireenkaย magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.
Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartayย in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyoย qeybaha kala duwan ee beeraleydaย Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsanย kana kooban 10 qof.
Ugu dambeyn labada Wasiirย ayaa kawada qaybgalayย bandhigga Beeraha caalamiga ah ee 14-aad oo lagu qabtay magaalada Izmir,ย iyadoo ay kasoo qaybgaleen in kabadan Toban wasiir oo ka kala socday dalal kala duwanย , wakiilo ka socday ururada caalamiga ah iyo wufuud heer sare ah oo madasha lagu casumay.





