Ciidanka Badda Soomaaliya oo u dabaal degay Xuska 54 Aad ee kasoo wareegtay Aas aaskooda

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Difaaca Xeebaha Soomaaliya oo la aas aasay 10 Febraayo 1965 ayaa maanta u dabaal dagay Sanad-guurada 54-aad ee kasoo wareegatay.

Munaasabada Xuska Dabaaldagga ee Sanad guurada 54-aad ee Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiir Dowlaha Gaashandhigga Soomaaliya, Taliyaasha Ciidamada Xoogga & Asluubta Soomaaliya, Abaandullaha Ciidanka Xogga Dalka iyo Saraakiil Ciidan.

Gaada ka cayaar iyo dhoolatus Ciidan   oo ay gudaha xerada Mariino geed ay kusoo bandhigeen Ciidamada ayaa waxaa daawanayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyihii Hore ee Ciidamada Badda ee Difaaca  Xeebaha Soomaaliya Admiraal Faarax Qare ayaa ka sheekeeyay waxqabadka iyo aas aaska Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Admiraal Guuto Cabdi Warsame  Cismaan Taliyaha Ciidamada Badda ee difaaca Xeebaha Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Badda Soomaaliya ay hadda yihiin kuwa ku Howlan Difaaca Xeebaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) waxa uu sheegay in dhalinyarada ka midka ah Ciidamada Badda looga baahan yahay ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka.

Gaba gabadii Munaasabadda Xuska Sanad-guurada Ciidamada Badda waxaa ka hadlay Wasiirka gaashandhigga Xukumada Soomaaliya Xasan Maxamed Cali (Amar-dambe) isagoona sheegay in Dowladda Soomaaliya ay hadda ku howlan tahay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...