Madaxweyne Farmaajo oo Addis-Ababa kula kulmay Antonio Guiteres

Date:

Muqdisho (SNTV):-Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa shir-doceed kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres, waxayna ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Mudane Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle), Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Mudane Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Bilal Cusmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo halkaasi ka furmaya,kaasi oo sanadkan lagu lafo-gurayo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaarada Afrika, iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte...

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

GOLAHA WASIIRRADA OO SOO DHAWEEYEY GO’AANKII QM EE QAADISTA CUNA-QABATAYNTA HUBKA EE SOOMAALIYA

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

In ka badan 33 Khawaarij ah oo lagu dilay Galbeedka xarardheere.

In Ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay...