Maamulka Gobolka Banaadir oo meel mariyey Qorshe Howlleedka 2019

Date:

 03 FEB, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka gaar ah oo lagu meel mariniyey qorshe howlleedka Maamulka Gobolka Banaadir sanadkan 2019-ka.

Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...