Maamulka Gobolka Banaadir oo meel mariyey Qorshe Howlleedka 2019

Date:

 03 FEB, 2019– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoomiyey kulanka gaar ah oo lagu meel mariniyey qorshe howlleedka Maamulka Gobolka Banaadir sanadkan 2019-ka.

Maamulka heer Gobol iyo heer degmo ee Gobolka Banaadir ayaa mid mid u dul istaagay qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay qorshahan, iyagoona bogaadiyey xeel-dheerayaashii Soomaaliyeed ee asteeyey qorshe taabanaya nolasha bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray dhammaan masuuliyiinta degmooyinka iyo heer Gobolba in laga dhabeeyo fulinta qorshe sannadeedka 2019-ka, isagoona adkeeyey maamul wanaagga iyo in si siman loogu adeego dhammaan bulshada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in kororka qoondada loo qorsheeyey baahinta adeegyada asaasiga ah, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta bilicda ay ka tarjumayso hiigsiga Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan sanadkan 2019-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan xal u helista dhibaatooyinka nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo qoraheyaasha kale ee dib loogu soo nooleynayo waxbarashada dawladda ee asaasiga ah oo haatan Maamulka Gobolku ay gacanta ku hayaan waxbarashada 12 Kun oo arday.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa shacabka Caasimadda kula dardaarmay xoojinta xiriirka ay leeyihiin laamaha amniga, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisadu ay maleegayso, sidoo kalena ay ilaaliyaan hanti guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee dib u dhiska lagu sameynayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Aqalka sare oo Ansixiyay sharciga daawada iyo agabka caafimaadka.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qaar ka mid ah hoggaanka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta...

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...