Madaxweynaha oo adkeeyey xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Date:

Garoowe (SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad caawa lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. Waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaarsiiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, ayna tahay in loo midoobo dagaalka lagaga xoreynayo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe waxa uu kulammo gaar ah la yeelan doonaa madax Puntland, wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...