Wariyeyaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duqeyn Diyaaradeed

Date:

Muqdisho (SNTV)-Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Maleeshiyaadka Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Duqeynta ayaa khasaaro lixaad leh gaar siisay Wariyeyaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas xiliga duqeyntu dhacday ku sugnaa xarunta.

Saraakiil ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in duqeyn lala beegsaday Idaacadda Al-Andulus oo ah idaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab, iyadoo halkaas lagu dilay ku dhawaad 20 Maleeshiyo.

Balse Warar hoose Warbaahinta Qaranka heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 kamid ah Wariyaal isku sheega Al Shabaab halkaas lagu dilay sidoo kalena lagu buriyey Xarunta Idaaacadda.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Duqeynta kadib haalkaas dusha kaga soo dageen kumaaandoos katirsan Malatiriga Soomaaliya kuwaas oo goobta ka sameeyey howlgal kaatay muddo saacad ah.

Maleeshiyaadka Idaacada Al Shabaab ka hadlayey ee ladilay waxaa kamid ah Feysal Yare, Maxamed Aadan, Cabdikariim  iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.

Idaacadan ayaa ka shaqeyneysay in Urururka Al Shabaab u adeegsadaan inay dadka ugu gudbiyaan Ficilada foosha xun oo ay sameeyaan, iyadoo sidoo kale muddo haatan laga joogo 4 Bilood duqeyn loo geystay ay sababtay inay muddo hawada ka maqnaanto.

Idaacadan ayaa waxaa ay hadba sidhuumaaleysi ah ugu shaqeyn jirtay Deeganada ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Shalay ayay  Saraakiisha Militariga Soomaaliya sheegeen in duqeyn ka dhacday Magaalada Bu’aale ay ku dileen afar Wariye oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale Warbaahinta Qaranka ayaa ogaatay in mar sii horaysay dagaal ka dhacay isla magaalada Bu’aale oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Isku haysta baa’binta Shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab iyo Daacish uu ku dhaawacmay mid ka mid ah xubnaha sar sare ee idaacadda Andulos.

12-bilood ee la soo dhaafay waxay ahaayeen Bilihii Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray Al-Shabaab, iyadoo in ka badan kun isugu jira Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal ka tirsan kooxda lagu laayay Howlgalo iyo dagaalo toos ah oo ciidamada Qaranka ay sameeyeen.

Diyaaradaha Mareykanka oo kaashanaya Malatariga Soomaaliya ayaa kordhay duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin qaar ka mid ah Gobalada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa ansixiyay Hindise...

Madaxweynaha JFS oo la guddoonsiiyay Cilmi-baaris ku aadan horumarinta caasimadda

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi-baarista Hiddaha iyo dhaqanka Gobolka Banaadir Mudane...

Wasiirka Qorsheynta oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda “Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka waa mid wanaagsan”

Wasiiro dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali...