Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka

Date:

Baydhabo (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiracmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka bilaabay  deegaanada maamulkan.

Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyoMaamul wanaaga deegaanadan, Isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, Wuxuuna kula dardaarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka dowlad  Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...