Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal maanta ay ka sameeyeen degmada Waajid ee Gobolka Bakool ku soo qabtay saddex ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab,sida uu sheegay  Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xooga dalka oo ka hawgala deegaanadaasi Daahir Cali Mahame.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in maleeshiyaadkaan gacanta ay ku soo dhigeen ay ahaayeen kuwo shacabka ku dhibaateynayay wadooyinka,islamarkaasina ay ahaayeen madax jabis.

Guud ahaan gobolada dalka waxaa ka socda howgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo dib looga xureynaya deegaanada dalka ay kaga sugan yihiin.

Ciidamada xooga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa wada dadaalo ay uga hortagayaan boobka askareynta ah oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku haayaan carruurta dhigata dugsiydaa baadiyaha ah iyo kuwa xoolaha raaca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...