Howlgal lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsanaa Alshabaab oo laga fuliyay G/Jubbada dhexe

Date:

Bu’aale (SNTV):-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan oo duqeyn ah ka fuliyay Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in habeenimadii 17-dii Bishan ay ciidamada Danab iyo kuwo Mareykan ah weerar duqeyn iyo mid dagaal ka fuliyeen gudaha Magaalada Bu’aale ee Jubbada dhaxe

General Bogmadow ayaa waxa uu sheegay in weerarka uu si gaar ah ugu dhacay xarunta Idaacada Andaluus oo ku hadasha Afka kooxda Al-shabaab,isagoo sheegay in halkaas lagu dilay 15 Xubnood oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab iyo Afar wariyaasha Al-shabaab ah, islamarkaana Qalabkii Idaacadaas lagu bur buriyay weerarka duqeynta iyo dagaalka isugu jiray.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada kawada Gobollada Dalka,iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Kooxda Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...