Al-Shabaab oo 100 Carruur ah ka Af-duubatay Gobolka Bakool

Date:

Xuddur-(SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka maamulka Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool, Cali C/nuur Iiman ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-shabaab ay Carruur ka badan 100 ka Af-duubteen degaanno hoos yimaadda Degmadaasi.

Cali C/nuur Iiman, ayaa sheegay in Carruurta ay Al-shabaab qafaalanayso da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 9 Sano jir, isagoo xusay in Waalidiinta loogu yeerey in ay Ilmahooda keenaan, ciddii amarkooda guracan ka dhaga adeegtana laysugu darayo Xabsi iyo Lacag $ 2,500.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in 60 ka mid ah Carruurta laga kaxaystay Dugsi ku yaalla Tuulada Ceel garas, waxanay intaa ku dareen in ay Gaari hor dhigteen Iskuulka degaanka, iyagoo kaxaystay dhammaan Wiilashii halkaa wax ka baranayay.

Shacabka ayaa cabsi iyo wel-wel aad u xooggan ka muujiyay markii ay argagixisada Al-shabaab billaabeen in ay Af-duubtaan Carruurta, waxayna taasi keentay in Waalidiinta qaarkood ay la soo baxsadaan Ubadkooda, si aan looga qafaalan.

Guddoomiye ku xigeenka Tiyeegloow, ayaa sheegay in u jeedka Al-shabaab ay tahay in ay Carruurta baraan afkaartooda gurracan, si ugu adeegsadaan qaraxyada iyo dagaallada ay kula jiraan Dowladda iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Wararka deegaanka ka heleyno, ayaa sheegaya in Malleeshiyaadka Al-shabaab ay Carruurtaasi ku hayaan hayaan Xero ay ku leeyihiin gudaha Degmada Tiyeeglow, si ay ugu dhaadhiciyaan fikirka qaldan ee ay Bulshada ku dhibaateynayaan.

Madiino Maxamed Geeddi, oo kamid ah Waaliddiinta Carruurtooda la Af-duubtay ayaa sheegtay in  ujeedka Al-shabaab ay ka leeyihiin ay tahay in ay Askareeyaan kana dhaadhiciyaan in ay Waalidkood isku qarxiyaan, waxayna codsatay in argagaxisada looga soo badbaadiyo Ubadka.

Waxay sheegtay Madiino, in markii uu soo baxay warka dhiillada xambaarsan ee sheegaya in la qafaashay Carruur ay Ilmaheeda ku jiraan ay ka tagtay Hurdo iyo Hunguri wel-wel daraaddiis.

Xasan Aadan Cabdi, waxaa uu kamid yahay ehelada Dadka laga Af-duubay Carruurta, waxaa uu warbaahinta Qaranka u sheegay, in haddii aan laga soo badbaadin Ilmahooda Al-Shabaab, in ay u adeegsan doonaan dhibaateynta Ummadda Soomaaliyed , sida dilka iyo qaraxyada.

Maleeshiyaadka aragaxisada ah ee Al-Shabaab, ayaa sidoo kale qafaalashada Carruurta ka waday Maalmahan degaanno hoos taga Magaalada Xuddur ee isla Gobolka Bakool, waxanay waalidiinta ku amreen in ay keenaan Carruurtooda oo waxbarasho ugu maqan Baydhabo, Muqdisho iyo degaanno kale.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weli wada qafaalashada Carruurta degaannadaasi, sida ay noo sheegeen Dadka halkaasi ku dhaqan, waxanay Shacabka billaabeen in ay isaga guuraan goobaha ay ku suganyihiin argagixisada, iyagoo ka tagaya hantidii ay lahaayeen mood iyo noolba, si ay Naftooda ugu badbaadsadaan Kooxda nabad-diidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...