Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Al-Shabaab

Date:

Muqdisho (SNTV):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa  Shir Jaraaid oo uu  ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Nabad diidka Al-Shabaab

General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba  ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleyshiyaadka ka tirsan Nabad diidka Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa ugu dambeynti beeniyay Hadal ay si qaldan u turjumeen warbaahinta, kaasi oo ahaa in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada

Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan maleyshiyada Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...