Wasaaradda waxbarashada XFS oo tababar u soo xirtay 280 Macalin

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xarunta jaamacadda Gaheyr ee magaalada Muqdisho gaar ahaan nambar afar tababar ugu soo xiray macalimiin wax ka dhiga iskuullada dowladda ee gobolka Banaadir.

Tababarkan ayaa  socday muddo 15 maalmood ah  iyadoo tababarkan kor loogu qaadayay aqoonta macalimiinta wax ka dhiga iskuullada dowladda, sidoo kale waxaa tababarkan lagu baranayay cashir ku saabsan qaabka loo dhigayo manhajka cusub ee dhawaan ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

In ka badan 280 macalin oo kala socota gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka, ayaa ka qeyb galay tababarkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa tilmaamay in macalinka uu muhiim u yahay dalka, sidaas darteed ahmiyad gaar ah la siinayo sidii kor loogu qaadi laha aqoontiisa.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macaliminta Soomaaliyeed si loo soo saaro dhalin aqoon leh oo dalka anfacda.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa macalimiinta Soomaaliyeed, si loo helo dhalin dadka anfacda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...