Wasiirka arrimaha gudaha oo Caabud-waaq ka furay kulan nabadeed lagu dhammaynayo Colaaddii Kaxandhaale

Date:

Caabuud-waaq (SNTV):-Magaalada Caabuud-waaq ee gobaka Gal-guduud waxaa maaanta gaaray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga Nabadeed ee uu hoggaaminayo oo ay wehliyaan odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay waxgaradka Caabuud-waaq oo uga hor tegay magaalada bannaankeeda.

Soo dhawaaynta wafdiga kadib, odayaasha ka kala socda Caaabuud-waaq, Galinsoor, Cadaado iyo wafdiga Nabadeed ee wasiir Sabriye ayaa tegay duleedka Caabuud-waaq oo la dhigay gogosha nabadda ee lagu dhammaynayo colaaddii Kaxandhaale.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya oo furay kulanka ayaa odayaasha dhaqanka ee gogosha jooga waxa uu ka codsaday in ay la yimaadaan aragti fog, tanasul iyo xushmad dheeraad ah si loo dhayo boogihii colaadda dibna looga heshiiyo wixii dhacay, looguna diyaar garoobo in laga fogaado dagaallada soo noqnoqda ee dadka iyo deegaanka dhibaatada badan ku haya.

Odayaasha dhinacyada dirirtu ka dhexeysay oo soo dhaweeyay gogosha nabadda ayaa rajeeyay in dadaallada nabadda ee ay hormuudka ka tahay dawladda Federaalka Soomaaliya ee wakiilka ay uga yihiin wafdiga wasiir Sabriye hoggaaminayo ay mira dhali doonaan, lagana gudbi doono colaadaha soo laalaabta ee mar waliba ay ku daataan dhiigga dadka walaala ah.

Wasiika arrimaha gudaha XFS oo shalay ka hadlay marti qaad ay u sameeyeen odayaasha Cadaado ayaa ballan qaaday in wafdiga uu hoggaaminayo ay ku laalaaban doonaan deeganada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadaha ka jira deegaanka ee ay isku dilayaan beelaha walaalaha ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, Eng. Sabriye waxaa qayb ka ah Wasiiru Dowlaha Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, xildhibaan Abdikarin Khaliif iyo taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...