Eng. Yarisow oo hambalyeey guuleystaysha Abaalmarinta Mogadishu Awards Abaalmarinta

Date:

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu bixinayay Abaalmarinta (Mogadishu Awards 2018), taasoo abaalmarin lagu guddoon-siiyanayay shaqsiyaad iyo Hey’addo wax gal u ah bulshada oo loo gartay in ay yihiin shaqsiyaadka sanadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay Mogadishu Awards sida ay isugu xil-qaantay in ay bulshadeeda dhiira-geliso, gaar ahaan hal-doorkii gutay kaalintii kaga aadanayd u adeeggidda bulshada.

Eng. Yarisow ayaa ku dheeraaday kaalintii ay ka qaateen horumarka dalka dadkii guuleystay iyo u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed, waxuna kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan dadaalladooda.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Mogadishu Awards abaalmarinta iyo dhiirigelinta Wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin dadkii howlaha muhiimka ah u soo qabtay bulshada, waa hubaal in dad badan ay mudan yihiin abaalmarintan, balse tani waa in ay idiin sii noqotaa jidkii aad howshiina ku xoojin lahaydeen”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dhiirigelinta iyo garab-istaaga cid walba oo dalkeeda horumarkiisa wax ku biirisa.

“Dhiirigalintu waa furaha dhaqaajiya naftaada waxuna sabab u noqdaa inuu qofku qabto hawl heerkeedu aad u sareeyo oo natiijo aad u wayn gaarsiisa waana dhabaha keena guusha. Qofkii hela dhiirigalin joogta ah waxaan shaki ku jirin inuu nolosha guul ka gaarayo.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Saraakiil, masuuliyiinta M/Mulka G/Banaadir iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...