Golaha shacabka oo ansixiyey miisaaniyadda dawladda 2019 iyo sharciyo kale

Date:

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa cod geliyay Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019-ka taasoo cadadeedu ay dhantahay 344,192,685$ oo uu ka muuqdo koror dhan $47.1 Milyan marka loo eego miisaaniyadda sanadkii hore  hase ahaatee waxaa kale oo muuqda in miisaaniyadda sanadkan ay si weyn ugu koobantahay kharashaadka Adeega Maamulka iyo Difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $245,971,212 una dhiganta 71.5% Arrimaha bulshadda oo loo qoondeeyay $23,113,231 una dhiganta 6.7% halka haraaga oo dhan $50,899,036 oo u dhiganta 14.8% qoondada miisaaniyadda 2019-ka loogu talo galay mashaariicda horumarineed ee Dalka.

174 Xildhibaan oo uu ahaa kooramka xildhibaanada guud ahaan soo xaadiray kulanka guud ee golaha shacabka ayaa codka haa ku ansixiyay Miisaaniyadda 2019-ka ma jirin xildhibaan diiday sidoo kalena ma jirin Xildhibaan ka aamusay ,sida uu natiijada ku dhawaaqay shir guddoonka golaha.

Golaha shacabka Jamhuuriyadda FS ayaa ansixiyey heer hoosaadka golaha oo dib u habayn lagu sameeyey, waxaana haa ugu codeeyey 170-Xildhibaan, halka hal mudanena uu diiday.

Sidoo kale golaha shacabka ayaa ansixiyey sharciga, xaqsiinta, hawlgabnimada iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida. 171-mudane ayaa ogolaatay, waxaana diiday 2-Xildhibaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...