Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda

Date:

Muqdisho (SNTV): —Shirka Toddobaalaha ah ee tubta arrimaha bulshada oo maanta uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu go’aamiyay in la dar-dargeliyo qorshaha nadaafadda iyo bilicda gobalka Banaadir, si looga badbaado dhibaatooyinka laga dhaxlo nadaafad xumada deegaanka.

Intii uu socday shirka ayaa dhammaan shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda waxaa la faray in qashinka ay magaalada ka aruuriyaan ay ku shubaan labada goob ee gobalka Banaadir uu u cayimay ee kala ah Kaawada Xabiibo Macallimee degmada Wadajir iyo Kaawo kale oo Ku taalla agagaarka deeganka Waxar Cadde ee degmada Hiliwaa.

Tubta ayaa amar ku bixisay in shirkaddii qashan ku shubta meel aan ahayn baraha loo cayimay qashanaka laga qaado tillaabo sharciga waafaqsan, iyada oo maamulka golabalka Banaadir la faray in deegaannada horay loo wasaqeeyay si dhaqsa ah dib loo nadiifiyo.

Amarka tubta arrimaha bulshadu ay kasoo saartay hagaajinta nadafadda iyo bilicda caasimadda ayaa jawaab u ah bulsahda gobalka Banaadir oo cabasho xooggan ka keenay shirkado qandaraas ku haysta qashan aruurinta oo si bareer ah u wasaqeeya deegaanka gaar ahaan xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...