Madaxweynaha Mexico oo ka hadlay mas’uuliyiin shil diyaaradeed ku dhintay

Date:

Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Mexico ayaa ka dhashey dhimashada dad mas’uuliyiin ahaan oo isugu jiray xildhibaan iyo guddoomiye gobol,kadib markii ay burburtay diyaarad ay saarnaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Puebla state ee dalkaasi Mexico Martha Erika Alonso,seygeedi Rafael Moreno Valle,2 duuliye iyo qof kale oo diyaaradda saarnaa ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi markii ay burburtay diyaarada nuuca Helcopterka ah oo ay saarnaayeen xili ay ka kacaysay garoonka diyaaradaha caasimadda Puebla .

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Mexico Andrés Manuel López Obrador ayaa xaqiijiyay geerida guddoomiye Martha Erika Alonso iyo seygeeda Rafael Moreno Valle kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka isagoo adeegsanayay luuqadda Spanishka.

Wuxuuna sheegay in ay jiraan baaritaano ku aadan sababaha dhaliyay shilkaasi.

Miss Martha Erika Alonso ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee guddoomiye ka noqoatay gobolkaasi Puebla Satate ee Mexico kadib markii ay ku soo baxday doorasho adag oo halkaasi ka dhacday dhawaan,waana 45 sano jir ka tirsanayd xisbi u ololeeya xuquuqda aadanaha.

Baarlamaanka maamulkaasi Puebla ayaa horyaala in ay doortaan hogaan cusub oo KMG ilaa doorasho ay ka dhacaysa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...