Hooyo Salaado Xuseen Nuur argagixisada nama niyad jebinkarto!

Date:

Hooyo Salaado Xuseen Nuur waa Hooyo Soomaaliyeed oo ka shaqeysan jirtay goob shaaha lagu cabo oo ku taalo Taalada Xaawo Taako afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka,isla markaana kala qeybisa Degmooyinka Xamar weyne iyo Warta Nabadda.

Qaraxii 22 December ay Al-Shabaab ka geysteen Taalada Xaawo Taako ayay Qoyska Hooyo Salaado ku noqotay musiibo, kaddib markii ay ku waayeen Walaasheed Farxiyo oo u geeriyootay bir ka gashay dhanka Wadnaha oo jartay xididka halbowlaha, taasi oo ka timid gaariga Al-Shabaab ay ka soo buuxiyeen biraha iyo walxaha qarxa ee ay ugu talagaleen inay Ummadda ku xasuuqaan.

Sidoo kale isla goobta Xaawo Taako waxaa ku dhaawacantahay curudda Hooyo Salaado oo jirta da’da 13-sano, taasi oo u ahayd xoog, maadaama ay shaqadoodu tahay iibinta shaaha, isla markaana aysan ka niyad jebi doonin dib u yegleelidda meheradooda ganacsi.

Qaraxii kan ka horeeyay oo ay argagixisadu ka geysteen isla goobtan waxa ay Hooyo Salaado ku weysay Seeygeeda.

“Anaga masaakiin ayaan iska nahay, goobtan shaah ayaan ku karsan jirnay, mucjisadan ayaa nagu habsatay oo galaafatay Walaasheyda Farxiyo, iyo gabarteeyda curudda ah oo iga dhaawacantay, tani waa qadar Alle ee aan u wada duceyno Farxiyo iyo inta kale ee goobta ku dhimatay” ayay tiri Hooyo Salaado.

Hooyo Salaado iyo Walaasheed Farxiyo subax kasta waxay u soo kalihi jireen in shilin shilin-ka ay goobta ka helaan ku quudiyaan ehelkooda iyo naftooda, balse taa badalkeeda Argagixisada Al-Shabaab ay gaari ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ku kacaya kumanaan kun oo dollar ay ku holciyeen in ka badan 20  qof oo ay ka mid ahayd Farxiyo.

Allaha u naxariistee Farxiyo waxa ay ifka kaga tegtay hal canug, halka Hooyo Salaado ay iminka korineyso 6- carruur ah oo midi kamid ah ay ku dhaawacantahay qaraxii musiibada ahaa, kuwaasi oo isugu jira agoon iyo carruur ay Aabahood kala tageen.

Hooyo Salaado Xuseen Nuur inkasta oo uu dhibkan gaaray hadana hankeedu waa kii shalay, iyadoo si murugo ku dheehantahay ula hadlaysay bulshadana waxa ay ka codsatay inay gacan ku siiyaan sidii ay markale meheraddii ka bur burtay u dhisan lahayd, maadaama ay ka soo jeeddo qoys sabool ah, una baahantahay kaalmo dhinac waliba leh.

W/D: Maxamed Macalin Xasan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...