Ciyaaraha Xilliga Qaboobaha Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Yurub oo lasoo Gaba gabeeyay

Date:

Ciyaaraha xilliga Qaboobaha ah ee Hirda oo sanadkasta ay isugu yimaadaan kooxaha ciyaaraha qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku nool qaaradda Yurub ayaa lagu soo gabangabeeyey dalka Netherlands, kaas oo ay ka qaybgaleen masโ€™uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Yariiisow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala ayaa bogaadiyey Ururka soo qabanqaabiyey ciyaarahan oo isdhexgal iyo isbarasho ay ka helaan dhalinyarada qurbaha ku nool.

24-kooxood oo ka kala socday wadamada Yurub ayaa ka qaybgalay tartankan oo loogu talagalay in sare loogu qaado xirfadda ciyaartoyda Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, waxaana sanadkan ku guulaystay koobka koox ka socotay dalka Finland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...