Madaxweyne Farmaajo “Weeraradan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaano aragagixisada”

Date:

Muqdisho, Diseembar 22, 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay shacabkii iyo askartii ku geeriyooday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday qaraxyadaas oo ay fuliyeen kuwo naftood halligeyaal ah, arxan daran, diin iyo dadnimo midna aan lahayn.

“Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Jannadiisa ku manneysto dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee kooxda arxan laawayaasha ah ku beegsadeen qaraxyadan, intii dhaawacyadu gaareena iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in uu siiyo caafimaad degdeg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in weerarada fulaynimo ee aragagaxisadu aanay cabsi galin doonin shacabka iyo dowladdaba in ay gaaraan ahmiyadaha horyaala ee dhinacyada horumarinta, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo u adeegidda bulshadda isagoona yiri “weeraradda fulaynimo ee argagixisadu ku beegsanayso shacabka aan waxba galabsan nagama leexin donaan dhabbaha horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray “Weerardan oo kale nagama hor istaagayaan in aan sii xoojinno dhiiranaanteenna ku aaddan in aan ka adkaanno aragagixisada oo aan gaarsiino.shacabka Soomaaliyed xasillooni iyo horumar ay mahdiyaan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isku daygan argagaxisadu ay ku doonayaan inay ku hor istagaan horumarka shacabka Soomaaliyeed uusan u suurta galayn.

“Mileeyshiyaadka jahwareersan ee argagixisada ah waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee uu istaagay in ay gacana ku dhistaan dalkooda, gacantana kalena kula dagaalamaan kuwa ka soo horjeeda horumarka iyo barwaaqada dalka.”

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka sida ee mar walba u taagan qorraxda iyo dhaxanta in ay sugaan amniga, kana hortagaan cadawaga, isagoona faray in ay sii xoojiyaan feejignaantooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...