Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Cambaareeyay Qaraxyadii maanta

Date:

Muqdisho(SNTV):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa lagu cambaareeyay Labadadii qarax ee kooxaha Argagixisada ay maanta ka geysteen Agagaarka Golaha Murrida iyo Madadaalada Qaranka (National Theater),wuxuu dadkii musiibadaas ku geeriyooday uu Alle uga baryay inuu Naxriistii jano ka waraabiyo eheladoodana uu Samir iyo iiman ka siiyo ,sidoo kalena kuwii ku dhaawacmay uu bogsiimo deg deg ah siiyo.

“Anigoo ku hadlaayo Magaceyga,kan guddoonka Golaha iyo sidoo kale kan Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan cambaareynayaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee kooxaha nabad diidka ay maanta ka geysteen Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Theater-Qaranka ,dadkii ku geeriyooday Illaahey naxriistiisa haka waraabiyo kuwii dhaawacmayna Caafimaad deg deg ah Allaha ha siiyo dhammaanteenana samir iyo iimaan Allaha ha naga wada siiyo.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa uga mahad celiyay Hay’adaha ammaanka Qaranka dadaalada ay mar walba ugu jiraan ka hortaga dhagaraha kooxaha Argagixisada ah ay la damacsan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahad celinayaa qeybaha kala duwan ee Ciidanka ammnaanka Qaranka oo u taagan difaaca sharafka iyo karaamada dadka Soomaaliyeed iyo fashilinta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah”

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka Qaranka oo mar walba u taagan difaacooda si loo soo afjaro dhibaatooyinka kooxdan ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay la shaqeeyaan oo ay garabkooda istaagaan Ciidanka ammaanka si looga adkaado kooxaha nabad  diidka ah ee fikradaha shisheeye ku shaqeeya mar walbana u taagan daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar Casho Sharaf ugu Sameeyay Saxafiyiinta iyo Hobollada Qaranka Waaberi

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe),...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...