Golaha wasiirrada Oo Meel Mariyay Sharciga Iibka Qaranka Oo Is-bedel Lagu Sameeyay

Date:

Muqdisho; Khamiis, Deseembar 20, 2018 —Kulanka Khamiislaha ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo maanta uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay wax ka bedel lagu sameeyay sharciga iibka qaranka.

Sharciga iibka qaranka oo ay diyaarisay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, ayaa dib-u-eegis lagu kadib waxaa lagu sameeyay horumarin wayn si hannaanka iibka qaranka loo casriyeeyo looguna saleeyo qorshaha iibka qaranka.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ansixinta sharciga kadib waxa uu golaha uga warbixiyay shirarkii uu uga qayb galay magaalooyinka Nairobi iyo Qaahira ee looga hadlayay cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, dakhi aruurinta, xakamaynta qarashaadka iyo shilinka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in meel wanaagsan uu marayo geedo socodka dayn cafinta Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha uga warbixiyay doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo ee madaxwaynaha dawlad gobaleedka koonfur galbeed Soomaaliya loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Golaha wasiirrada ayaa u mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed sida ay uga qayb gaateen taabba gelinta doorashada, waxa ayna sidoo kale hambalyeeyeen madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo ay u rajeeyeen in uu ku guulaysto mas’uuliyadda horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed iyo qaybta uga aaddan horumarka guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...