Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga

Date:

SNTV:-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

“Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidii ay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto.

Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalka Turkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaaday in ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnayn

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...

Kulan casho sharaf ah oo loo sameeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka caalamiga ah ee Iscafinta iyo Nabadda

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo la kulmay hoggaanka Bulshada Rayidka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...