Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Xariirka Labada Dawladood

Date:

Muqdisho (SNTV) Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga, Emanuela Del Re.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda la wadaagay horumarrada muuqda ee dalku ku tillaabsaday intii ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo Talyaaniga uga mahadceliyay is-garab taagga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa daba socday booqashadii dhawaan uu madaxayne Mohamed Abdullahi Farmaajo ku tagay Rome. Talyaaniga oo aan leenahay xiriir soo jireen ah ayaa nagu garab istaagay sidii aan uga soo kaban lahayn dhibaatooyinka dalkeenna soo gaaray.

Emanuela Del Re ayaa bogaadisay isbedelka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee ka hir-galay gebi ahaan gobalka geeska Afrika gaar ahaan dawrka wanaagsan ee hoggaanka dawladda Soomaaliya uu ku leeyahay.

Emanuela Del Re ayaa ballan qaadday in Talyaanigu uu Soomaaliya ka taageerayo hormarinta barnaamijyada arrimaha bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...