Guddoomiyaha Aqalka sare oo kulamo la qaatay Madaxda maamulka Jubbaland+Sawirro

Date:

Kismaayo-(SNTV)-Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Xalay kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed madoobe), iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku aaddan xaaladda uu haatan Dalka marayo.

Sidoo kale Guddoomiye, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta kulamo kale la yeeshay Golayaasha maamulka Jubbaland , oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Koobaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan diyaarna u yihiin ujeeddooyinka uu xambaarsan yahay safarka Guddoomiyaha, taasoo salka ku haysa mad-madoowgii soo kala dhex galay Dowladda dhexe iyo maamullada Dalka qaarkood iyo sidii loo soo Afjari lahaa.

Guddoomiya Aqalka sare ee Soomaaliya, Mudane, Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maamulka Jubbaland ku ammaanay sidii ay ugu Dhega nuglaadeen soo jeedintii Dowladda dhexe ee ahayd inay aqbaleen turxaan bixinta wixii jira, iyagoo jawaabo waafiya ka helay maamulka Kismaayo.

Guddoomiye, Cabdi Xaashi ayaa ugu dambayn sheegay inay diyaar u yihiin dhammaystirka wixii ka haray wada xaajoodyada, wuxuuna intaa raaciyay inay safarro kan la mid ah ku tegi doonaan dhammaan maamul Goboleedyada kale ee Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...