Siihayaha Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo kormeeray xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay

Date:

Muqdisho December 3 (SNTV);-Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer ku tagay  xarunta sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii adkee ee dalka uu soo maray,waxaa maalgeliyay mashruucaan Bankiga Horumarinta Afrika oo u soo marsiisay Hay’adda  IOM.

Wasiir Cismaan Libaax Ibraahin ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’antahay dar dargelinta hirgelinta Wakaalada biyaha ee Muqdisho si Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda iyo nawaaxigeed ay u helaan biyo nadiif ah

“Wasaaradda waxaa ka go’an in la dar dargeliyo dhismaha wakaaladda biyaha sida xarunta sheybaarka iyo macahadKa tababarada iyo korontada waxaana naga saacidaya bankiga horumarinta Afrika, iaydoo ay fulineyso hay’adda IOM-ta ” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan dib udhis lagu saameeyo dhismaha Wakaaladda  biyaha iyo Macahadka tababarada biyaha iyo korontada oo iyaguna ka muuqdo Bur-bur xoog leh, waxaana qorshahu yahay in wasaaradda ay ku shaqeyso.

“Dhismaha wakaaladda biyaha dhawaan ayaa la bilaabayaa sida qorshuhu yahay, waxaana ugu talagalnay in wasaaradda ay ku shaqeyso, islamarkaanaa ra’isulwaasaraha Xukumadda uu xariga ka jaro, waxaan ay wax badan ka qaban doontaa in Biyo nadiif ah ay helaan bulshada ku nool caasimadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradad Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya.

Marka laga yimaado dhismahan waxaa u dhiman in la qalabeeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhawaan uu xariga ka jaro Ra’isulwasaarada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,waxaana wax badan ay ka tari doontaa dib u howlgelinta Xarunta in bulshda ku nool Caasimadda ay helaan biyo nadiif.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo Martigelisay kulan Afur ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay Cashadii...

Mareykanka iyo Israa’iil oo duqeymo ka geystay Iiraan

Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka...

Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Hakan Fidan, ayaa Jimcihii...

Degmada Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan.

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...