Qatar oo ka baxeysa Ururka OPEC

Date:

Dooxa December 3 (SNTV);-Qatar ayaa ka baxeysa ururka ay ku bohoobeen dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC ,sida ay ka dhawaajiyeen madax ka tirsan dalkaasi.

Wasiirka Tamarta, ee dalka Qatar Saad Sherida al-Kaabi, ayaa maanta shaaca ka qaaday qorshaha ka bixitaanka ururka OPEC oo la filayo in uu bilowdo bisha Janaayo ee sanadka soo socda .

Go’aanka looga baxayo ururka dhoofiya shidaalka ayaa yimid ka dib kolkii la tilmaamay in dalka Qatar uu dib u eegis ku sameynayo doorka caalamiga ah ee kaga aaddan kobcinta shidaalka iyo sidii loo sameyn lahaa Istaraatiijiyad fog oo soconeysa waqti dheer.

Ururkaan oo ay ku mideysanyhiin 15 Dal ayaa dhoofiya shidaalka ,isagoo soo saaraa kala bar wax soo saarka saliidda dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...