Dib u dhis lagu sameynayo buundada Xawaadley ee Shabeelaha Dhexe

Date:

Balacad (SNTV)- Iyadoo dhibaato xoogan lagu qabo burburka ka muuqda buundada kutaala tuulada Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee gobolka SHabeelada Dhexe ayaa waxaa soconaya qorshayaal iyo dadaalo la doonayo in dib loogu dhiso Buundadaasi.

Buundada ayaa ah mid si weyn u bur-burtay waxaana dhibaatooyin Kuqaba gaadiidka, dadka iyo duunyada isticmaalo.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee UDHIS oo ka jawaabaya codsi iyo baaqyo kaladuwan oo ugu yimid dadka Deegaanka ayaa bilaabay dayactir uu kusameynaayo buundada, iyagoo sidoo kale ugu deeqay dhammaan qalabkii lagu Sameynayay.

Mas’uuliyiin uu kamid yahay Guddoomiyaha Ururka iskaashatooyinka qaranka Soomaaliyeed ee Udhis Cadceed Cusmaan Shuuriye ayaa sheegay in qorshohoodi uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska buundadaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

“Waxaan ugu talagalnay in aan ka qeyb qaadano sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa buundadan burbursan,buunadaan oo muhiim u ah isu socodk adadka iyo gaadidka,ururka iskaashatooyinka Qaranka wuxuu diyaar u yahay in uu ka wajawaabo baaqii dadka deegaanka,maadamaa dhibaato ay kajirto halkan”. Ayuu yiri Guddoomiey Cadceed.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Cali Maxamed Muuse oo kamid ah odayaasha dhaqan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ururka iskaashatooyinka Qaranka eek u aadan arrintani.

Ururka iskaashatooyinka Qaranka Soomaaliyeey ee UDHIS ayaa marar badan sidaan oo kale wax ka qabtay dhibaatooyin heestay beeraleyda Degmada Balcad haba ugu badnaatee Fataahaada Wabiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...