Wasaaradda waxbarashada XFS oo sagootisay Ardey deeq Waxbarasho ka heshay Dalka Suudaan

Date:

Muqdisho (SNTV):- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay munsaabad lagu sagootinayay 124 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Suudaan.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare XFS, Axmed Yuusuf Xasan , lataliyaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Cismaaciil Yuusuf Cismaan ,xildhibaanno iyo  marti sharaf kale.
La taliyaha wasaaradda waxbarashada  Soomaaliya  Cismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa ardayda deeqda waxbarasho ka helay dalka Suudan kula dardaarmay inay ka faa’ideystan fursada ay heleen.
Xildhibaan Yuusuf Xeeyle  oo ka mid ah xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal ugu jirto  sidii ardeyda Soomaaliyeed ay u heli la hayeen deeq waxbarasho oo dalka dibadiisa.
Xoghayaha joogtada wasaaradda waxbarashada XFS,Axmed Yuusuf Xasan ayaa sheegay inay ka go’antahay wasaaradda waxbarashada kor uqaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed, isagoo ardeyda kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah ay iska saaraan sidii ay u gaari lahaayeen hamigooda waxbarasho ee ku aadan kamira dhalinta deeqaha waxbarasho oo ay ka heleen dalka Suudaan.
Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa muddo bil gudaheed  deeqo waxbarasho ugu dirtay dalalka Itoobiya iyo Suudaan ardey  Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...