Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho ka furmay

Date:

Muqdisho (SNTV) Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir seddex maalin socon doona oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, shirka oo ku saabsan Xuquuqda Aadanaha gaar ahaan Cutubka Labaad ee Dastuurka KMG ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan matalaadda siyaasadeed laheyn.

Masuuliyiintii furitaanka shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka, Agaasimaha Madaxtooyada ee Arrimaha Naafada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Hogaamiyayaasha Ururada Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Gudoomiye Xaliima Ismaaciil ayaa sheegtay in Gudigga Doorashooyinka uu u hogaansamayo Dastuurka iyo shuruucda doorashada ee qeexaya u dhamaanshaha siyaasaadda iyo doorashooyinka si doorasho loo dhanyahay ay dalka uga dhacdo iyada oo maanka lagu heynayo ka qaybgalka doorashada ee dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Laheyn.

Wasiir Deeqa Yaasiin oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirka ayaa tilmaamtay muhiimadda uu leeyahay Cutubka labaad ee Dastuurka KMG ee ka hadlaya Xuquuqda Aadanaha, iyada oo ku tilmaamtay in uu yahay cutubka ugu muhiimsan ee Dastuurka. Wasiirada waxa ay sheegtay in Wasaaradeeda ay ka go’antahay inay si dhow u la shaqeeyso Wasaardda Arrimaha Dastuurka si loo sugo xuquuqda Aadanaha.

Wasiir Cabdi Xoosh oo furay shirka ayaa yiri “Aad ayaan ugu faraxsanahay in shirkan oo aan muddo soo qaban-qaabinaynay uu maanta inoo bilaabmo, waxaan rajeynayaa talooyin miro dhal ah oo xoojinaya Xuquuda Aadanaha in aan soo saari doonno. Wasaaradda Dastuurka waxaa ka go’an inay dedaal ku bixiso in la dhowro Xuquuqda Aadanaha, waxaana idinka codsanayaa inaad arintan muhiimka ah nala garab gashaan”.

Ugu dambayn, waxaa shirka laga soo saari doonaa Talooyin iyo Baaq ku aadan sidii Dastuurka dhexdiisa loogu sugi lahaa Xuquuqda dadka Naafada, Barakacayaasha iyo dadka aan Matalaadda Siyaasadeed Heysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...