Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo ka qeyb galay kulan looga hadlayey Xal u helida Mushkiladaha dunida”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxakamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Luckow ee dalka India kaga qeyb-galay kulan looga hadlayay xal u helida mushkiladaha dunida sida argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Kulankaan ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka waxaa ku wehlinayo Garsooreyaal Maxkamadda ka tirsan iyo Masuuliyiin kale.

Inta uu socdo kulankaan ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa siddii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha dunida ka taagan oo ay ugu weyn yihiin argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.

Sidoo kale Kulankaani ayaa wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay shirka 19aad ee Caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka oo ka socda magaalada Luckow ee dalka India.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...