Ciidanka Xoogga dalka oo Deegaanka Dhagaxyaale kala wareegay Maleeshiyada Shabaab

Date:

Argagaxisada Alshabaab ayaa laga saaray Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ka dib Weerar Qorshaysan oo ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Gobaleedka Galmudug waxaana Halkaasi looga dilay Afar Maleeshiyo halka Dhaawacyo fara badan ay geeyeen Degmada Ceel-buur sida ay inoo xaqiijiyeen Dad Halkaasi ku sugan oo ka gaabsaday in Magacyadooda la xigto.

Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-buur oo qeyb ka ah Howlgadan ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay in Khasaare xoog leh la gaarsiiyey Nabadiidka Alshabaab, isagoona xaqiijiyay in hada Deegaanka Dhagaxyaale ee Gobolka Galgaduud ay Gacanta ku hayaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay inay sii wadi doonaan Dagaalada ay kula jiraan Maleeshiyaadka Alshabaab isagoona Shacabka ugu baaqay gacan siiyaan Ciidamada Amaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa Ciidamada Amniga ee Dowlada Soomaaliya, kuwa Dowlad Gobaleedyada iyo AMISOM oo is garabsanaya kala kulmay Howlgallo looga burburiyay Saldhigyo ay kasoo abaabuli jireen dhibtaateynta Shacabka, iyadoona laga saaray deegaano Muhiim ah, waxaana laga khaarijiyay Horjoogayaal badan, halka kuwa baxsadka ahna ay ku daba joogaan Ciidamada Amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...