Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Date:

Muqdisho (SNTV)– Sanadkasta maanta oo kale ayaa meela badan oo caalmka katirsana laga xusaa dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH, waxaa meelaha sida gaarka ah looga weyneeyo kamid ah Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Garsoorka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxaana ka qeyb galay  Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Babanaadir, Kusimaha Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka, Culumaa’udiin, Arday iyo Marti sharaf kale .

Salliga  iyo taariikhda nabiga ayay culumada ku soo bandhigeen  kulankii maanta, waxaana wax badan la iska xasuusiyay kusoo biiridii nabigeen dunidan iyo sida ay ku soo bilaabatay taariikhda faafidda diinta ee uu nabigeena u ahaa dhameystir dhamman fariimihii Allah nooga yimid.

Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  ee dalka ayaa soo xiray munsaabadda isagoo uga mahad celiyay dhamman ka qeybgalayaashii munaasabadda dhalashada Nabigeenna Muaxammed NNKH  sida ay ugu heelan-yihiin.

Taariikhda ayaa la wariye in Nabigeenna uu ku soo biiray bishan oo kale 570-sano Miilaadiga kadib, waxa uuna ahaa nabigii ugu dambeeyay ee Allah u soo diray dhammaan dadka dunidan ku nool si’ uu ugaarsiiyo fariinta Allah ee uu xiriiriyaha ka ahaa Malkul Jabriil CSW.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...