Bahda garsoorka dalka oo xusay dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH

Date:

Muqdisho (SNTV)– Sanadkasta maanta oo kale ayaa meela badan oo caalmka katirsana laga xusaa dhalasha Nabigeenna Muxammed NNKH, waxaa meelaha sida gaarka ah looga weyneeyo kamid ah Soomaaliya.

Munaasabad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Garsoorka ayaa maanta ka dhacday Xarunta Maxkamadda Gobalka Banaadir, waxaana ka qeyb galay  Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir,  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Babanaadir, Kusimaha Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka, Culumaa’udiin, Arday iyo Marti sharaf kale .

Salliga  iyo taariikhda nabiga ayay culumada ku soo bandhigeen  kulankii maanta, waxaana wax badan la iska xasuusiyay kusoo biiridii nabigeen dunidan iyo sida ay ku soo bilaabatay taariikhda faafidda diinta ee uu nabigeena u ahaa dhameystir dhamman fariimihii Allah nooga yimid.

Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  ee dalka ayaa soo xiray munsaabadda isagoo uga mahad celiyay dhamman ka qeybgalayaashii munaasabadda dhalashada Nabigeenna Muaxammed NNKH  sida ay ugu heelan-yihiin.

Taariikhda ayaa la wariye in Nabigeenna uu ku soo biiray bishan oo kale 570-sano Miilaadiga kadib, waxa uuna ahaa nabigii ugu dambeeyay ee Allah u soo diray dhammaan dadka dunidan ku nool si’ uu ugaarsiiyo fariinta Allah ee uu xiriiriyaha ka ahaa Malkul Jabriil CSW.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...