Wasiirka waxbarashada XFS oo madax ka tirsan UNICEF kala hadlay horumarinta waxbarashada

Date:

Muqdisho (SNTV)-:-Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay madax ka tirsan UNICEF.

Labada dhinac ayaa  ka wada hadlay mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka.

Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in warbixin uu ka siiyay xubnahan ka socday UNICEF xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub.

“Waxaan ka wada hadalnay  mashruuca (Education Cannot Wait) oo loogu talo galay in lagu horumariyo tayada waxbarashadda dalka,waxaan warbixin ka siiyay xaaladda guud ee waxbarashada dalka gaar ahaan  nidaamka xulashada macalimiinta dhigeysa manhajka cusub ee dhawaan ay qeybisay wasaaradda waxbarashada dalka”ayuu yiri wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...