Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga oo kormeeray Xarunta tababarada ee Turkisom

Date:

Muqdisho (SNTV):– Wasiirka Difaaca Soomaaliya iyo dhiggiisa Dalka Turkiga oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha gaashandhigga XFS, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka,Taliyaha Ciidamada Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta kormeerayay Xarunta tababarada ee Turkisom.

Masuuliyiintaan ayaa Si wadajir ah mid mid u kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee xerada ka kooban tahay,iyagoo si gaar ah u kormeeray fasalada wax lagu baro Askarta iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe ayaa sheegay in ujeedka Booqashada wasiirka difaaca Dalka Turkiga ee uu maanta ku tagay ay tahay ka warqabadi tababarada ciidanka xoogga dalka iyo kaalinta ay Turkiga ka qaadaneyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS Xasan Ali Maxamed Amar dambe ayaa sheegay in dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka ay dowlada Turkiga ka qaadaneyso kaalin muhiim.

Wasiir Amar Dambe ayaa Sidoo kale sheegay in dhigiisa Turkiga uu kala hadlay dardargalinta iyo qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka.

Wasiirka Difaaca Dalka Turkiga Mudane Hulusi Akar ayaa dhankiisa tilmaamay Sida ay dowlada Turkiga ugu go an tahay dhismaha ciidamada Xoogga Dalka, isagoona tilmaamay in dhamaan xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka ay dhawaan ku sameynayaan dib u dayactir.

Wafdiga Wasiirka gaashandhigga Dalka Turkiga ayaa maanta galinkii dambe ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...