Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Duqayn ka dhacday deegaanka CeelDheer oo 50 KM kaga beegan dhinaca koofur galbeed magaalada Baladweyne lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Argagixisada AlShabaab.
Dadka deegaanka qaar ka mid ah oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in duqaynta xalay fiidkii hore lala beegsaday xarun maleeshiyaadku ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-Dheer.
Dhanka kale wararka ka imanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegay qaar ka mid ah horjoogayaasha Al Shabaab ay kulan ku lahaayeen deegaano hoostag Ceeldheer, wararka qaar ayaana sheegaya in duqayntaan lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo tabacsan Al shabaab.
Deegaanka CeelDheer ayaa ah halka Al-Shabaab ay gaystaan xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku nool gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.