Howlgal maleeshiyada Al-Shabaab looga saarayo degmada Xarar-dheere oo ka socda Gobolka Mudug

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa wada abaabul ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.

Dhowaanahan Gobolka Mudug waxaa ka jiray baaqyo iyo abaabul ku aadan sidii Kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa degmada Xarar-dheere iyo deegaanada ku dhow,waxaana ciidamada Xoogga dalka ay doonayaan iney Bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Sida uu soo sheegayo Wariyaha warbaahinta Qaranka ee ku sugan degmada Hobyo Baashe Cali Xaashi,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa shalay gaaray deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaq iyo abaabul dagaal oo Al-Shabaab looga saarayo degmadaasi iyo deegaanada Ku dhow.

Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug waa meesha keliya ee maleeshiyada Al-Shabaab hadda kaga sugan yihiin Gobolka Mudug,waxaana shacabka ku nool ay dhibaato xooggan ku qabaan Maamulka Kooxda argagixisada oo dul dhiga amaro culus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana shacabka loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee Dowladda uga baahan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...