Al-Shabaab oo Argagax galin iyo Qafaal ku haaya Shacabka degmada Jilib 

Date:

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa laba jibaaray dhaca iyo boobka ay u gaysanayaan Xoola Dhaqatada iyo Beeralayda deegaanada qaar, iyagoo shacabka ku boobaya Diinta Islaamka oo ay ka been sheegayaan.

Dadka Beeralayda ah ee ku nool deegaanada Miyiga ah ee degmada Jilib ayaa ka cabanaya Qafaal Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay u gaysanayaan Caruurtooda si ay u dagaal galiyaan iyo boob ay ku haayaan dalagyada ay beertaan.

Mid ka mid ah Horjoogayaasha Argagixisada oo meel fagaaro ah kula hadlayay Bulshada ay si xoog ah beerahooda iyo Guryahooda ay kaga soo saareen ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay inay keenaan wiilashooda iyo hantidooda si loogu dhibaateeyo shacabka.

“Wiilkaaga Ma’ahan midka aanan dagaalka ku jirin, waa inaa Dagaalka soo galisaan Wiilashiina, Sidoo kale waa inaa keentaan Xoolihiina sida Geela, Lo’da iyo Xoolaha kale oo aad haysataan, Beerihiina waxaa ka soo go’a dalagyo badan sida Sisinta, waa inaa ugu deeqdaan Islaamka.” Ayuu yiri Horjoogahaan ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...