Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay in ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV);- Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa balan qaaday inuu sii wadi doono taageerada dadaalka Shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan iney ku dhistaan mustaqbal adag oo dalkooda ah, ayuu yiri Hesham Youssef, kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka ee OIC.

Hadalkaan ayuu kaaliyaha xoghayaha guud ee arrimaha gargaarka Ururka OIC ka jeediyay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay 27-ka October 2018,ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Dhanka kale  dowladda Qatar ayaa shaacisay in ay sii wadi doonto taageerada muhiimka ah ee ay siiso Soomaaliya ayna ku dadaali doonto sidii loo siin lahaa kaalmada lagama maarmaanka u ah waddanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar Sultan bin Saad al-Muraikhi oo Muqdisho kaga qeyb galay shirkii Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Ururka OIC ayaa sheegay in Dowladiisa ay Soomaaliya ka taageertay horumarinta dhinacyada amniga,awood-siinta dhaqaalaha,barnaamijka shaqo abuurka ee dhalinyarada,nabada iyo dib- u-heshiisiinta,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in Qadar ay hirgelisay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dugsiyada, isbitaallada, xarumaha caafimaadka, guryaha loogu talagalay dadka saboolka ah iyo mashaariic lagu taageerayo dadka danta yar.

Wuxuu tilmaamay in Qatar Red Crescent Society iyo Qatar Charity ay bixiyeen gargaar bani’aadamnimo ah ayna fuliyeen mashaariic horumarineed oo qiimahoodu yahay $ 200mn, oo ay ku jiraan dhismaha iyo dayactirka xarumaha dawladda iyo waddooyinka isku xira caasimadda Muqdisho ee magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye.

Wasiirka arrimaha dibada Qadar Mr. Al-Muraikhi wuxuu ku celiyay taageerada joogtada ah ee Qatar ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed si ay u xaqiijiyaan rajadooda iyo rabitaankooda ku aaddan in ay dhistaan Qarankooda, si ay u xaqiijiyaan mustaqbal barwaaqo ah oo jiilalka soo socda, ayna ilaaliyaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Shirka Kooxda xiriirka Soomaalia ee OIC oo 27-ka October 2018-ka ka qabsoomay magaalada Muqdisho, ayaa arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa sida nabad galyada,hanaanka dhismaha Dowlad Goboleedyada,dadaalada xasilinta iyo hanaanka dimuqraadiyeynta dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...