Guddoomiye Tuulax oo xalay kormeer Amniga la xiriira ku sameeyey Xaafadaha Degmada Heliwaa

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Kormeerkan dhanka Amniga la xiriira ayaa guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir uu ku sameeyey xaafadaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaa ku wehliyay Xildhibaan Ikraan Yuuusf Xirsi oo ka tirsan Golaha Shacabka, guddoomiyaha degmada Heliwaa iyo saraakiisha ciidamada amaanka.

Masโ€™uuliyiintan oo socdaal dhanka lugta ah xili habeen ah ka bilaabay xarunta degmada Heliwaa ayaa socd dheer oo muddo qaatay ku maray xaafadaha Suuqyada iyto xarumaha ciidamada ay ku suganyihiin, waxaana kmaid ah meelaha ay tageen,Xero Maslax oo salaada Maqrib ay ku Tugadeen, Baar Johwar, Shaneemo Cabdiwaayeel iyo Suuaqa degmada Heliwaa,

Mudane Maxamed C/laahi Tuulax guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir ayaa intii kormeerka lagu jira ciidamada iyo saraakiisha ka xogwareysanayay baahiyahooda, isagoo ku dhiiro gelinayay dardar gelinta howlaha nabadgeliyada.

Guddoomiyaha degmqada Heliwaa C/xakiin Cumar Jacfaan ayaa ku Mudane Tuulax sida uu ugu kormeerayo masโ€™uuliyada ka saaran amniga.

โ€œFarxad ayey inoo tahay in markii labaad aad noo imaato inagoo kujirna kormeerkeena amniga, waxaana runtii farxad ah inaad marqaati ka aheyd sidii shacabku ay inoola shaqeynayeenโ€ayuu yiri Mudane C/xakiin Cumar Jacfaan.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka degmada oo iskashanaya ay ku guuleysteen xoojinta amniga iyo horumarka.

โ€œWaxaan soo aragnay in maamulka uu shaqeynayo, waaxyaha degmada ay wada shaqeynayaan, waxaan aragnay shacab heysta maamul ay ku qanacsanyihiin iyo amni dhameystiranโ€ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo markii ciidamada cusub lagu xoojiyay amniga Muqdisho waxaa la dareemayay isbedelo muuqda, waxaana Mudane Tuulax uu sheegay in shacabka iyo maamulada looga baahanyahay in ay xajistaan Amnigooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...