Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa kormeeray xarunta degmada Xamar weyne oo ay ku dhextaalo Maxkamada Degmada, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Maamulka iyo qeybaha bulshada, isagoo intaa kadibna Guddoomiyuhu xariga ka jaray Xafiisyada Maxkamada Degmada Xamarweyne oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyey.

Guddoomiyaha Maxkamada racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegey dib u dayactirkan in lagu wada sameynayo qaar ka mid ah Maxkamadaha degmooyinka si loo dardargaliyo howlaha Garsoorka iyo Cadaalada.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa ku bogaadiyey Maamulka degmada Xamarweyne isku xirnaantooda, waxa uuna sheegay qorshahan inuu yahay mid looga hirgalinayo garsoor cadaalad ah degmooyinka Gobalka Banaadir sidii dadka ku dhaqani u heli lahaayeen.

Intaa kadib ayuu booqdey Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka xarunta saldhiga Degmada Hodan oo ay ciidamada Booliska qeybta Waliyow Cade kusoo dhaweeyeen Guddoomiyaha, wuxuuna xariga ka jaray dhismaha Maxkamada Degmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...