Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa ansixinta Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”

Date:

Muqdisho (SNTV);- Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 2-aad ku yeeshay xarunta Golaha ayaa waxay warbixin akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka kaga dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan.

Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Maalinta Axada ee soo socoto ayuu sheegay in Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaa Hindise sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka markaasi oo ay goob joog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in meel marinta sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka muujinayo in maalinta axada xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo.

Sida uu qabo sharcigan, waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waxaa uu sharcigu siinayaa awoodaha ay u baahan tahay si ay u fuliso waajibaadkeeda.

Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Bishii May ee sanadkan qabtay Kullan qorshihiisu ahaa dhageysiga Dadweynaha ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...