Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa magaaladda Boosaaso oo ka wada hadlay Iskaashiga labada Magaalo

Date:

Muqdisho (SNTV)– Oktoobar 24 2018– Duqa magaaladda Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Boosaaso horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Boosaaso ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dowladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Boosaaso Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Cabdisalaan ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Duqa Muqdisho ayaa ka guddoomay dhiggiisa magaalada Boosaaso martiqaad rasmi ah oo ku saabsan in uu booqasho ku tago magaaladaasi oo Xarun u ah Gobolka Bari, isagoona dhankiisa ugu hambalyeeyay Duqa Boosaaso, Ku-xiggeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka magaalada Boosaaso doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...