Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo Shir uga qeyb galay Jabuuti

Date:

(SNTV)..Wadanka Jabuuti ayaa lagu soo gabagabeeyey shir looga hadlayo sidii wadamada Afrika uga faaโ€™iidaysan lahaayeen Tamarta dabiiciga ah sida dabeysha iyo cadceeda, waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cismaan Libaax Ibraahiim.

Mudane Cismaan Libaax Ibraahiim oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay shirkan iyo Muhiimadda uu Soomaaliya ulahaa.

โ€œShirkan wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah, waxaad moodaa shirka inuu anaga naga hadlaayay sababtoo ah waxaan hodan ku nahay Dabeysha iyo Cadceeda, waxyaabo fiican ayaana kasoo baxay, Dalkeena Tamar ayuu u baahan yahay hadii aanan la helin shaqo laโ€™aanta lagama baxaayo Horumar balaaran la sameynaayoโ€.ayuu yiri Wasiirka.

Adeegga Korontada oo ah wali mid qaali ah kuna tiirsan Shidaalka ayaa caqabad ku noqon kara warshadaynta oo u baahan xoog koronto oo badan, waxaana dawladda Soomaaliya ay hadda ka shaqaynaysaa sidii loo samayn lahaa Koronto la awoodi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...