Ciidamada Amaanka oo hawlgal kasameeyay degmada Hilwaa

Date:

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed iyo Guddoomiyaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdixakiim Cumar Cabdulle ayaa xalay kormeeray xaafadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Waaxda Barwaaqo ee degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa ayaa sheegay in kormeerka xalay ay ugu kuur-galayeen xaalada nololeed iyo mida amni ee ay ku sugan yihiin dadka deegaanka.

“Intii aan roondada lugta ah ku jirnay ayaa waxaa kormeer noogu yimid Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/G Zakiya, waxeyna socod dheer nagala soo bilaawday Xaafada Carto ee Suuqa Xoolaha si ay ugu kuurgasho ee xaalada Nololeed iyo Mida Amni ee ay kusugan yihiin dadka deegaanka, waxeyna balan qaaday in ay Rugo Cusub oo Booliis laga sameyn doono Xaafada Suuqa Xoolaha si bulshada ku dhaqan xaafadaasi ay u hesho Amni iyo Adeeg Dowladeed oo dhammeystiran,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiim.

Sidoo kale, Mudane C/xakiim Cumar Abdulle ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan olole ballaaran oo ay dib ugu furayaan wadooyinka waaweyn ee ay xireen Geed Yahuudka iyo kuwa sharci darada ah loo degan yahay ee sababay in la waayo meelo ay maraan dadka shacabka ah ee degan xaafadaasi.

Maamulka degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa dardar gelinaya adeegyada muhiimka ah ee shacabka degmadaasi u baahan yihiin sida amniga,soo celinta bilicda iyo waliba in wada shaqeyn dhab ah dhex marto Maamulka iyo shacabka degmadaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tianjin magaalo kulmisay taariikhda iyo tiknoolajiyada mustaqbalka ee Shiinaha

Tianjin, Shiinaha – Magaalada Tianjin ayaa maanta loo aqoonsan...

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...