Wasiirka Amniga oo sheegay inay War kasoo saari doonan dhacdadii kadhacday degmaad wadajir

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow “Duucaale” iyo Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdu go’aan cad kasoo saareyso dhacdadii ka dhacday Siligga Ameerikaanka ee Magaaladda Muqdisho taas oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle ayaa sheegtay arrintan soo noqnoqtay dibna isugu laabaneyso Dowladda Soomaaliya si-arrintan go’aan uga gaarto.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukuar Islow ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in uu ka tacsiyeynayo dadkii ku dhintay isku dhaca ka dhacay Xaafadda Siligga.

Wasiir Islow ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya baaritaan rasmi ah ku sameyneyso wixii ka dhacay Siligga loona dulqaadan doonin arrintan soo laalaabato.

Wasiir Islow ayaa waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed uu ugu baaqayo inaysan ku kadsoomin dhul aan sharci aheyn inay iibsadaan.

“Waxaan Xildhibaano iyo Wasiiro ku nahay Madaxiina waxaana ka xunahay wixii halkan kadhacay dadka dhintay waxaan ka qeyb qaadaneynaa sidii loo aasi lahaa”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...