Xubnaha Aqalka sare ku metala Koonfur Galbeed oo baaq u diray Shacabka iyo Maamulka k/galbeed

Date:

Muqdisho October 15 (SNTV):- Senatarada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kullamo mudo u socday waxay ka soo saareen war murtiyadeed ku saabsan Xaaladdaha amni,siyaasadeed,Bulsho iyo midda dhaqaale  ee shacabka Koonfur Galbeed.

Senatarada ayaa marka hore cambaareeyay qaraxyadii kooxaha argagixisada 13-kii bishan October ay ka geysteen magaalada Baydhabo,weerarkaasi oo dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen,waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen dhammaan dadkii ku geeriyooday Qaraxyadaasi.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen iney laba jibaaraan in gargaar ku filan oo deg deg ah la gaarsiiyo dadkii ay dhibaatada soo gaartay.

Iyadoo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed isku diyaarineyso doorashada madaxweynaha ayaa senatarada waxay ugu baaqeen dhammaan shacabka,musharaxiinta iyo Hay’adaha amniga iney xil gaar ah iska saaraan amniga guud ee deegaanada Koonfur Galbeed,gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Xildhibaanada Aqalka sare ku metala Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran yahay doorashada madaxweynaha kula dar daarmay iney guud ahaan doorashada u maamulaan si daah-furnaan leh,islamarkaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda,waxayna si gaar ah ugu baaqeen in la de-dejiyo magacaabista Guddiga doorashada laguna qabto doorashada waqtigii loogu talagay.

Gabagabadii ayay Senatarada waxay ugu baaqeen shacabka Koonfur Galbeed iney ilaashadaan Midnimada,Nabadda iyo Xasiloonida deegaanka iskana ilaaliyaan in iyaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...